Christian Falk oo ah saxafi aad loogu kalsoon yahay ayaa soo warinaayo Ciyaartoyda Ingariiska sida Harry Maguire, Marcus Rushford iyo Luke Shaw ay aad uga caroodeen Ronaldo.
Arintaan ayaa timid ka dib markii uu CR7 soo jeediyay in safka kooxda laga saaro mid walbo oo Lazy ah si kooxda sumcadeeda ay hoos ugu dhicin.
Ronaldo ayaa tiro ciyaartoy farta ku fiiqay halka kuwa kalena uu soo jeediyay in lagu soo celiyo safka kooxda.
Ciyaartoyda Ingiriiska oo ah kuwa eeda ugu badan uu Ronaldo u jeediyay ayaa arintaan ku tilaamay in Cristiano Ronaldo uu doonayo inuu qolka labiska ku hogaamiyo koox gaar ah oo isaga ka amar qaata.
Waxaa jirta khatar laga qabo kala qaybsanaan kooxda Manchester United taasoo caqabad ku noqon karta rajada kooxda ee ah ku dhameysiga afarta sarre.
0 Comments