SOMALI NEWS KALA SOCO WARARKA SOMALIDA IYO CAALAMKABA

SOMALILAND OO MAANTA FULISAY DILAL QISAAS AH

 



Laba nin oo tiirka dilka laga furay.

Somaliland ayaa maanta dil qisaasa ku fulisay Afar nin oo hore Maxkamaddu ugu xukuntay dil.
Afarta nin ee maanta la dilay maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliland ayaa hore u xukuntay, waxana ay ahaayeen Askar Ciidamada kala duwan ka tirsan.
Laba nin oo tiirka lagu xidhay si loo qisaaso ayaa iga laga furay xadhiga kadib markii Ehelada raggii ay dileen sheegeen in ay magta qaadanayaan.
Labada nin ee Tiirka laga furay mid waxa uu ka mid ahaa rag budhcad badeed ahaa oo mar isku dayay in ay Xabsiga Hargeysa ay ka baxsadaan.
Koonfurta Soomaaliya ayuu ka soo jeeda waxana uu toogtay Askari ka tirsan Ciidamada Asluubta oo ilaalinayay Xabsiga Hargeysa.
Qofka labaad ee maanta tiirka laga furay ayaa ahaa Askari ka tirsan Ciidamada Somaliland kaas oo hore nin ay Qaraabo yihiin ku dilay laascaanood

Post a Comment

0 Comments

Dhacdooyinka

hees cusub