SOMALI NEWS KALA SOCO WARARKA SOMALIDA IYO CAALAMKABA

Internetka Dayax-gacmeedka.


Diishkaas yar ayaad duurka dhexdiisa xataa dhiganaysaa, kedibna Dayax-gacmeedka ayuu ku xariirsamayaa, sidaas ayaadna inta ugu badan Internet xawaare leh ku heleysaa.
Caalamka waxa uu rabaa inuu u jeesto dhanka Internetka Dayax-gacmeedka. Ganasadayaasha ugu waaweyn dunida oo uu ugu horeeyo Elon Musk waaba uu bilaabay adeegga noocaas ah, Dayax-gacmeedyo fara badanna hawada wuu kusii daayay.
Yurubiyaanka si aysan uga harin tartankaas, waxay shalay oo Talaado ah sheegeen inay qarash badan dhankaasi gelin doonaan, shacabka Yurub ku nool iyo shacabka Afrikada qaar jooga inay Internetkaasi uga faa'iideyn doonaan.

 


Hadda xilligaan shirkadda Starlink ee uu leeyahay Elon Musk ayaa adeeggaas bixiso, qiimaha bishiina waa 99$, Diishka yarna qiimihiisa waa halmar oo 500€ ah.
Soomaaliya insha Allah adeegga shirkaddaan Starlink waxa uu gaari doonaa sanadka soo socda 2023, qofka hadda ayuuna sii dalban karaa oo qiimaha uu caadi yahay, ayadoo oo xataa qofka lacagtiisa in loosoo celinayo ay sheegayaan haddii uu khadka heli waayo.
Waa 99$ bil walba bixi, dhowr telfoon ama kambiyuutero ku xariirso khadkaas, oo khad Dayax-gacmeed oo kan Soomaaliya hadda yaallo ka xawaare badan ku xariirso.
Maalintii aad rabtidna duurka ama tuulooyinka u qaado, howshaadana halkaas kasii wado.
Waana dhab qof walba ma goyn karo, ama iskama bixin karayo khadkaas, lkn dad buu anfici doonaa, shakhsiyaad ama shirkadaba.



xigasho ahmed kadiye

Post a Comment

0 Comments

Dhacdooyinka

hees cusub