Mishiinada ama Computerada Caqliga gacan ku sameyska ah leh waxaa la filayaa:
- in 2024 marka la marayo ay noqdaan kuwa dhanka wax tarjumidda Bini Aadamka xataa ka fiican.
- 2026 inay maqaalo si madax banaan u qori karayaan.
- 2027 inay si madax banaan baabuur u kaxeyn karayaan.
- 2031 inay dukaamada iyo carwooyinka alaabaha tafaariiqda lagu gado ka shaqeyn karayaan.
- 2049 inay buugaagta loogu aqriska iyo gadashada badan yahay ayaga qori doonaan.
- 2053 inay qalliin sameyn doonaan xataa (Dhaqtar camal).
- 120 sano kedibna inay qaban karayaan howlaha bini Aadamka uu qaban karo dhan amaba inta ugu badan.
Caadiyan intaas waa saadaal, qaar baa run ka noqon karaya, qaar kalena waqti intaas ka badan ayay qaadan doontaa.
Sidee ayaad u aragtaa adiga in Mishiinada ay heerkaasi gaaraan caqli ahaan iyo howl ahaanba?
Xigasho: Buugga Artificial Intelligence ee uu qoray Blay Whitby.
Turjumadi Ahmed kadiye
0 Comments