Inaad mucaarad tahay iyo inaad danaha umada jilicsan ka hadashaa kuma xidhna kulan madaxwayne lala kulmo mid guud iyo mid gaar toona?
Xildhibaan Maxamed Abiib.
"Iskadaa madaxwaynee hadii qofkale ku casuumo waa inaad ka aqbashaa hadanad haysan cudurdaar waliba uu kaa aqbalay.
Waxa layaable qofka aan maalin kaliya diidin aragti shacabna ka dhiiban dhamaan wixii golahani meelmariyay iyadoo qaarkood ay ku jireen waxyaabo waawayn oo meel ka dhac ku ahaa danaha danyarta iyo shacabka guud ee mudanuhu wakiilka u yahay.
Iskaba dhaafe qaarkood mudanayaasha xalay ilaa shalay hadlayay intaas oo jeer ayay igu haaramayeen ka hadalka danaha dadka jilicsan xalayna iska dhigayay rag bulsho ka wakiila ama ka damqanaya duruufo haysta shacabka tanina waa is bihinbihin iyo dhuumasho dhabarku muuqdo.
Waxa xusid mudan raga qaarkood shacabka iyo axsaabta mucaaradka ahiba u hanwaynaayeen nasiib xumo se kumaba shaqeeyaan aragti mucaarad iyo midbulsheed toona oo iyagaaba ka horeeya ragii muxaafadka ahaa ee waliba madaxwaynaha si uun ugu dhawaa.
Ka maxamed abiib ahaan waxan jeclahay inaan madaxwaynaha ula dhaqmo sida aan jeclaan doono anoo madax wayne ah in la iila dhaqmo hadii alla idmo
Taas oo ah in madaxwaynaha loo maamuuso sida dastuurku u maamuusay loona mucaarado si waafasan shuruucda iyo dhaqanka ujeedkuna ahaado sixid iyo waa lagaaga haboon yahay.
Hadalkii maanta ee madaxwaynahana dalab iyo doonis isaga iyo siyaasadiisa u gaar ahi iiga muuqan intii aan ogaa.
Maantu tagtaye yaan la iska waayin dareenkaa iyo doonistaa bulsho marka golihii ku laabto hawlihii dastuurku ku waajibiyay mudanayaasha hadii alla idmo.
Waligayna wax uma mucaaradin umana muxaafadin ku danayso,ku xumayn iyo ka xanaajin ee danta bulshada iyo qaranka halka aan is idhaa waa ku sax uunbaan mariyaa wixii ku saaid ahina waa wax shaydaan ka ahaaday oo aan ka cudur daaranayo."
0 Comments