Nin waalan oo Pakistani ah baa habeen hore masaajid dhexdii gacan nabi nin doonoow, gacantaa ha socoto lagaga dhigay, dababeed qudhu kaga dhex booday!
Waxa miskiinkaa maskaxda ka jirranaa lagu eedeeyey in uu Kitaab ku dhex gubayay masjid, mid kalena uu rabay in uu gubo, se nin jaar la ah masjidku uu qiiqa masjidka ka baxaya inta uu arkay dabadeed degdeg u soo galay masjidka oo uu sidaa kaga soo gaadhay kitaabka labadaad inta aanu gubin.
Goortaas oo salaaddii taagnaydna, dadkii masjidka soo galayay iyo kuwii waddooyinka u dhaw marayayba ay sawaxankii ku soo leexdeen iyo nin baa kitaab ku dhex gubay masjidka oo la qabtayeeyda is qabsatay.
Kadib baa buuqii cirka isku shareeray oo Booliska ayaa degdeg masaajidka u soo gaadhay, dababadeed damcay in ay ninkii goobta ka kaxeeyaan. 
Dadkii oo aad u gadoodsanaaa ayaa se xoog u adeegsaday oo jiidhay askartii, waliba shiid ku eryaday, dhaawacyana u geystay.
Kooxdii baa iskood u xukumay ninkii waalnaa isla goobtii iyo goortiiba.
Dhagaxaan bay ku arjumeen, dabadeed geed ka soo daldaleen!
Sida ehelladiisu sheegeen, muddo 15 sano ah buu madaxa ka jirranaa oo magaalada dhex meeraysanayay, waallidiisana laysla ogaa. 
Waxa se maryo xidhan oo madaxa ka jirran kuwa falkaas wuxuushnimada ah geystay ee arcanlaawayaasha ah!
0 Comments