SOMALI NEWS KALA SOCO WARARKA SOMALIDA IYO CAALAMKABA

BARNAAMIJ KU XASUUSINAYA....

 Kasoo qaad waxaad tahay qof fikir iyo howlo badan. Waad fikirtaa oo waxbadan ayaa kugu soo dhaca, amaba dad badan ayaad howl u heysaa inaad wax kala hilmaamtid ma rabtid, amaba xataa wax naftaada muhiim u ah iyo adeeg aad u baahan tahay ku saabsan ayaad sahal ku hilmaami kartaa.



Marka meel aad wax ku qoratid, si fududna xilli walba Mobile-kaaga ama Computerkaaga uga fiirin kartid ayaad rabtaa, meel waxaasi aad qoraal ahaan iyo cod ahaanba ugu keydsan kartid ayaad rabtaa.


Tusaale adigoo saq dhexe sii seexanaya ayaad fikir heshay, inuu kaa dhumana ma rabtid, meel aad ku qoratid, subixiina ka fiirin kartid keyd fikir iyo mid xusuusba kuu noqon karta.


Waxaad soo degsataa barnaamijkan "Google keep notes", asiga ayaa howshaas kuu qabanaya.


Barnaamijyo kale oo badanna way jiraan, balse midkan hal Bilyan oo mar ayaa telfoonada Androidka keliya lagu soo degsaday, haddii aad iPhone heysatidna waad kusoo degsan kartaa.


Samankaan hilmaamka wuu badan yahay is adkeey marka insha Allah.


Xigasho Ahmed kadiye

Post a Comment

0 Comments

Dhacdooyinka

hees cusub