Waxaa la dhahay hadda kahor Fircoonkii Rabinimada sheegtay inuu yiri mashquul baan ahay, Geel baan abuurayaa ee qofna yaanan la ii soo deyn.
Haamaan oo Saaxiib aad Fircoon ugu dhow ahaa, sirtiisa dhanna ogaa ayaa u yimid Fircoon, albaabka ayaa laga celiyay, waxaana la dhahay: Fircoon Geel ayuu abuurayaa xilligaan, loomana geli karo.
Wuu xanaaqay Haamaan, sirta iyo beenta Fircoonna nin og ayuu ahaa, maalintii ku xigtay ayay asiga iyo Haamaan is arkeen.
Markaas buu waydiiyay sababta shalay albaabka looga celiyay.
Fircoon waxa uu yiri: Geel abuuris baan ku mashquulsanaa.
Markaas buu Haamaan oo beenta Fircoon ogaa ku yiri:
"Xataa anigaa Fircoonoow", micnaha aniga xataa ma beentii aad heysay ayaad igu dayday ayuu kawadaa.
Waa sheeko macruuf ah oo qaabab kala duwan ay dadka u tabiyaan.
Ka gudub, sawirkaan meesha ka muuqda waa sidii aad u fiirin lahayd, marka qof aad beentiisa iyo khiyaanadiisa ogtahay uu adigana beentaas oo kale kuula yimaado.
0 Comments