Fanku (heesuhu) waa hal-beeg lagu cabiro dhamaan shucuurta la dareemi karo, waa mala-awaalle laynagu tusi karo, qaab walba oo ay wax u dhici karaan.
Waxaynu jecelnahay Fanka (heesaha) waayo! Waxaynu ka dhadhansanaa, dareemo inagu lamaan, waxayna ibo-furaan dareeno qarsoon oo aan wali madaxa lasoo bixin.
Waa qayb kamida Riyada, Fekerka iyo Farxada, waana abuur deganaansho oo noloshu ina siisay.
Waxaynu jecelnahay la sheekaysiga qofka Fan yaqaanka ah, taas oo inoo samaysa xalad gooniya, waana noole ku galinaya mawjad naftu u baahan tahay ku raaxaysigeeda.
Fanku waa nolosha! Noloshuna waa Fanka.
0 Comments