SOMALI NEWS KALA SOCO WARARKA SOMALIDA IYO CAALAMKABA

HORDHACA KULANTA MAANTA MAN UNITED VS BRIGHTON

 TARTANKA PREMIER LEAGUE ISBUUCIISA SIDEED IYO TOBNAAD [18/38] - [KULAN BAAQDAY]:

HORDHACA CIYAARTA:
Manchester United vs Brighton
Gagida: Old Trafford
Wakhtiga: 23:15:00 - xiliga geeska Afrika
Taariikhda: Talaado, 15-February-2022.

1- Kadib qasaaradii laba kamid ah sedexdeedii kulan ugu horeysay Premier League ee wajahday Brighton [1-guul], Manchester United ayaa guuleystay shanteedii kulan ugu dambeysay ee wajaheen tartanka.
2- Brighton meysan ka guuleysan ayadoo marti u ah Manchester United dhamaan tartamada, 2-bareejo iyo 11-qasaro sedex iyo tobankeedii kulan ee soo booqatay Old Trafford. Brighton ayaa hal dhibac kasoo heshay Old Trafford 24-dhibcood [1-bareejo 7-qasaaro], ayadoo qasaartay afarteedii booqosho Premier League.
3- Brighton meysan kusoo adkaan banaan kulan horiyaalka ah marka ey wajaheyso labada Manchester 19-jeer ey isku dayday [3-bareejo 16-guul-daro] – taariikhda kubadda cagta horiyaalka kaliya Hull City ayaa in ka badan banaanka kula soo ciyaartay Manchester iyo City, loona diiwaan galiyay guul la'aan [24-kulan].
4- Manchester United ayaa iska lumisay 13-dhibcood ayadoo guuleysan kartay Premier League xili ciyaareedkaan, wey awoodi weysay iney guuleysto labadii kulan ugu dambeesay ayadoo hogaanka qabatay galinkii hore ee ciyaarta. Sedex dhacdo kale duwan ayee Red Devils lumisay dhibco ka badan kuwaan oo ah tartankaan, 14-dhibcood mid walba fasal ciyaareedyadii - 1993-94, 2010-11 iyo 2019-20.
GARSOORKA CIYAARTA:
Garsoore: Peter Bankes
Caawiyayaasha: Neil Davies iyo Nick Hopton
Sargaalka afaraad: Kevin Friend
VAR: Jarred Gillett
Caawiyaha VAR: Eddie Smart.

Post a Comment

0 Comments

Dhacdooyinka

hees cusub