Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa xalay kulan Hargeysa kula qaatay qaybo ka mid ah bahda Saxaafadda.
Ujeeddada kulanka ayaa ahaa sidii guddoomiyuhu ugu baraarujin lahaa Saxaafadda in ay dardar-geliyaan ka warranka xaaladda Abaarta iyo duruufaha adag ee soo wajahay Danyarta Somaliland, gaar ahaan xilligan adag ee lagu jiro abaarta iyo sicir bararka maciishadda.
"Biyo iyo Baad aan bulshadeenna gaadhsiino.
Waxaa iska soo dabadhacaya wararka dhiillada xambaarsan ee Abaarta bulshadeenna ku habsatay. Waxa muuqata in ay jirto abaar baahsan oo werwer badan gelisay nolosha dadka iyo xoolaha Somaliland, waxaanu ku baaqaynaa in gurmad loo kaco oo dawlad iyo shiciba dadka loo gurmado oo la gaadhsiiyo biyo iyo baad wixii la helo.
Illaahayna waxaan ka baryayaa in uu raxmaadka innoo shubo oo u soo naxariisto ummaddiisa." Ayuu yidhi Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadal u jeediyay Wariyeyaashii kasoo qaybgalay kulanka.
0 Comments