SOMALI NEWS KALA SOCO WARARKA SOMALIDA IYO CAALAMKABA

Xil Mukhtaar Xasan Maydhane oo ka hadley kulanka madaxweynaha

 Diidmada martiqaad Madaxweyne ma aha arrin sahlan. Laba sababood ayaad moodaa in diidmada loo cuskanayo. Mid waa xilligan abaaruhu taagan yihiin kuma haboona. Mid labaadna waa Goleyaasha Qaranka kama dhaxayso ismartiqaad.




Ta hore, wax kasta oo dadweynuhu ka qabaan arrintaas iyagaa ku saxan. Xildhibaanada laakiin toodu waa wax kale. Bili kama soo wada wareegin markii Golahani ansixiyey miisaaniyad $400 milyan ah. Kuwii u codeeyey iyo kuwa aan ka dagaalamin maalintii la qoondaynayey inay maanta inala soo hor fadhiistaan abaaraha dartood waa inagu damiir darro, waxaan u arkaa anaga iyo naftooda toona inaanay ixtiraamin. Waa maxay welwelkan ka galay abaaruhu markay arrintu taagan tahay $5,000 (boqol ruux oo min $50 gelayso ugu badnaan) ee gali waayey markay ahayd $400 milyan?
Ta kale ee ah inagama dhaxaysana, ma maanta ayey bilaabantay mise illow baahsan ayaa jira? Haddii la iska ilaaway wixii hore oo dhan, intiinan 3dii mar ee ay ina casuumeen shirguddoonkeenu, maxaad ula gole iman weydeen “inagama dhaxayso” ama uga daba hadli weydeen?
Soo xooriyoo, waxay u eg tahay af iyo adin aan wada jirin. Dhankayga, anigu waan tegayaa. Weliba anigoo fasax ku maqnaa ayaan go’aansaday inaan ka qaybgalo anigoo xurmaynaya haybadda xafiiska Madaxweynaha, Qarannimadeena iyo codka muwaadiniinta reer Soomaalilaan.

Post a Comment

0 Comments

Dhacdooyinka

hees cusub