Sida lagu baahiyey boggaga wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya Faysal Miqdaad. Iyadoo la sheegay in ay labada dal ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo weliba aragti is waydaarsi dhanka amniga gobolka ah.
Dalka Suuriya ayaa ah dal colaado ka socdaan in ka badan 12 sano iyadoo hoggaamiyaha dalkaas ee Bishaar Al Asad laga fur furi waayey talada dalkaas.
Badi waddamada Caalamka ayaa xidhiidhka u jaray Suuriya ka dib markii xukuumadda ka talisa lagu eedeeyey in ay sun ku buufisay shacabkeeda isla markaana ay geysatey dembiyo ka dhana Aadanaha.
0 Comments